Tirokoob TRK

  • Waa urur tirokooba dhaawac iyo dhimashadda ay dagaaladu sabab u yihiin,isla markaana Keydiya dhamaan qasaarahii uu dhaliyay dagaalada ka jira soomaliya qaasatan dadkii ku dhintay dagaalada ay wadaan ciidamadda dalka la keenay iyo kuwa sida ciidan u tababaran ee Paramilitary ah iyo weliba  danbiilayaasha shacabka xasuuqa ( criminal attack by others ) 
  • Waxay soo bandhigeysaa tiradda  rasmiga ah ee ku nafwaysay rabashadaha ka jira dalka.waana mushruucii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo ay dhallinyaro soomaliyeed soo bandhigaan, weliba si mutadawacnimo ah. iyaga oo doonayo iney ummadda soomaliyeed  tooshka ugu ifiyaaan dhibaatada inta ay baaxad la eg tahay.
  • Waa mashruuc lagu ilaalinayo laguna daryeelayo bini’aadinimadda uu shaqsiga soomaliyeed xaqa u leeyahay inuu ku noolaado dhibaato la’aan ( human security project ) 
  • Waxay soo bandhigeysaa iyada oo boor weyn ku qoreyso inta qof ee ku nafweysay maalin kasta dagaaladda ka jira soomaliya si loogu baraarugo. 
  • Waxay documenti ka sameyneysaa dhamaan dagaaladii ka dhacay dalka ee lagu xasuuqay shacabka soomaliyeed iyo hantiddii laga burbrshay si loogu xisaabtamo
  • Ducumintigaasi waxaa cadeymo u noqonayo warbixin laga soo ururshay warbaahinta dalka gudihiisa joogta iyo shaqsiyaad folontiir ah oo ku sugan dalka gudihiisa isla markaana noo soo gudbiya meydadka laga helay dariiqyada ku dhaw goobaha ay dagaalada ka socdaan. 

TRK uma suuragasheen in ay qabato howshaan hadii aysan jiri laheyn dad gacan ka siiya howshan baaxada weyn waxayna  uga mahad celineysaa dhamaan dadkii innoogu gargaaray iney howshan suurogal noqoto.